Maxkamada Gaalkacyo oo dambi ku wayday nin lagu eedeeyay in uu nabiga u gafay.

0
678

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee.

Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida.

Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Gaalkacyo, Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulka Galmudug ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro lana horkeeno sharciga.

Waxay ninkaasi ku eedeynayaan in uu ku xadgudbay diinta Islaamka, uuna aflagaadeeyay nabi Maxamed (SCW)

Balse, maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegtay in dembi lagu waayay ninkaasi lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay nabi Maxamed (SCW).

Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa BBC-da u sheega in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

“Maalmo dhan baan daba joognay, haddana Sheekha waan wareysanay wuxuuna caddeeyay in arrintaas uu ka bari yahay,” Ayuu yiri garsooraha.

Laakiin ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa iska fogeeyay arrintaas, wuxuuna wareysi siiyay BBC Somali.

“Ma nabi maxamed baa la sawiri karaa? Aniga waxaa akteyda yaalay sawirka sheekheyga oo Maxamed la dhoho asigaana amaanay”, ayuu yiri Sheekh Cabdi weli.

XIGASHO BBC.