DAAWO SAWIRADA:- Wafdi ka socday Dowladda UK oo gaaray Baydhabo.

0
620

Magaalada Baydhabo ee xaurnta gobolka Baay maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar.

Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha Shaati-guduud ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale, kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Shariif Xasan.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga Shabeelle, sidoo kalena kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan maamulka.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii labada dhinac ay ka wada hadleen Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf (Gacma).

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hada degaanadiisa waxaa ka jira xaaladoadag oo dhanka nolosha ah, maadaama ay ku sugan yihiin dad aad u dan yar oo ay saameeyeen Abaaraha iyo dagaalada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-