Maanta oo kale waxay Qaramada Midoobey u astaysay in loo dabaaldego sadaqada si dadka loogu dhiirigeliyo in ay caawiyaan masaakiinta.
QM sababta ay u dhiirigelineyso sadaqada waxaa ka mid ah in ugu dambeyn 2030-ka lagu guuleysto in la cirribrito faqriga.
Soomaalida waxay ka mid yihiin dadka jecel in ay is caawiyaan, laakiin dhowaanahan waxaa la sheegayaa inay jiraan dad sadaqada si kale u isticmaala.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in maanta oo kale ay tahay maalin muhiim u ah dhammaan bulshooyinka kunool dunida ,islamarkaana laga doonaayo in ay wax baxsadaan.