Faah-faahinta Ciyaaraha Loogu Soo Baxayo Koobka Aduunka September 03, 2017

0
1090

Waxaa Sabtidi iyo Axadi dhacay kulamo ka tirsan ciyaaraha is-reebreebka loogu soo baxayo Koobka Aduunka ee sanadka 2018-ka ka dhici dhoona dalka Russia.

Ciyaaryahaan ayaa kuwoodii ugu xiisaha badnaa waxay ka dhaceen Yurub.
Xulka Spain ayaa guul weyn kasoo hooryay ciyaarti uu xalay la dheelay kooxda qaranka Talyaaniga oo ay ku garaaceen 3-0.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Santiego Bernabeu ee magaalada Madrid ayaa waxaa si weyn ugu gacan sarreeyay xulka Spain, iyadoo xidiga garoonkana uu noqday laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka Spain Isco oo dhaliyey laba ka mid ah goolasha ay Spanishku ku badiyeen.

Goolka saddexaad waxaa ku khatimay weeraryahanka kooxda Chelsea Alvaro Morata oo beddel kusoo galay qeybti labaad ee ciyaarta.

Guushaan ayaa Spain kaga dhigan in ay tallaabo muhiim ah horay ugu qaaday koobka aduunka, waxaana hadda ay Group G ku hor kaceysaa 19 dhibcood, waxaa kusoo xiga Talyaaniga oo leh 16 dhibcood.

Talyaaniga oo kaalinta koowaad uga soo bixi jiray isreeb reebka ciyaaraha aduunka tan iyo sanadki 1997-di, ayaa waxaa sanadkaan uu ku qasbanaan doonaa inuu aado ciyaaraha loo yaqaano kala sooca (Play-off).

Dhinaca Yurub ciyaaraha kala sooca ee koobka aduunka ayaa waxaa dheela siddeeda kooxood ee kaalimaha labaad kasoo gala group-yada sideeda ah ee loo qeybiyo dalalka Yurub ee dheela is reeb reebka koobka adduunka.

Isku aadkiisa ayaa la sameyn doonaa bisha November ee sanadkaan.
Ciyaaraha kale ee la dheelay kooxuhu waxay isu arkeen sidaan:

Group G

Albania vs Liechtenstein 2 – 0
Israel vs Macedonia 0- 1

Group D

Georgia vs Ireland 1 – 1
Serbia vs Moldova 3 – 0
Wales vs Austria 1 – 0

Group I

Finland vs Iceland1 – 0
Ukraine vs Turkey2 – 0