Siilaanyo oo dib ugu laabtay Hargeysa “SAWIRRO” September 4, 2017

0
759

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi, kadib safar caafimaad oo uu ku aaday dalka Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Siilaanyo in dalka uu ka baxay 18-kii August ee sanadkan, qaliin fududna uu ku galay Magaalada Abu Dubai.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa in ay la socdeen qaar ka tirsan xildhibaanada Golaha Waskilada, xaaskiisa, xogheyntiisa iyo xubno kale.

Sidoo kale Xuseen (Deyr) ayaa sheegay Madaxweyne (Siilaanyo) in uu sii wadi doono shaqooyinkii Dastuuriga ahaa, maadaama xukuumadan waqtigeeda uu gaba gabo marayo.

Dhinac kale, afhayeenku wuxuu ka jawaabay cabasho la sheegay in laga qabo guddiga doorashadda Somaliland, taasi oo ka imaanaysa Xisbiyadda Mucaraadka, Waxaa uu sheegay in madaxweynuhu uu ummada reer somaliland uu dhex yahay, hase yeeshee ayan jirin sharci u diidayo inuu taageero Xisbigiisa kulmiye oo taladda Somaliland haya.

Holwaha ugu muhiimsan ee horyaala Madaxda Somaliland waxaa ka mid ah in Doorashada Somaliland ay ku qabsoonto sidii loogu tala galay, dib u dhacna uusan ku imaan.