KENYA RADIO CADAADO- Koox la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa weerar ay ka geysteen Kaniisad ku taala degmadda Likunda ee Koonfurta magaaladda Mombasa waxa ay ku dileen laba Askari oo Kenyan ah.
Larry Kiyeng Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka Xeebta ayaa sheegay in Afar nin oo hubeysan ay toogteen laba Askari oo ilaalo ka haysay Kaniisada, kadibna ay ku baxsadeen Mooto.
Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha ragga weerarka fuliyay in ay horey u sii qaateen laba qori oo nuucoodu ahaa AK-47 oo ay lahaayeen Askarta la dilay.
“Mid ka mid ah Askarta la dilay waxaa laga toogtay madaxa, isagoo ku geeriyooday isla goobta, halka midka kale uu ku geeriyooday Isbitaalka, baaris ayay wadaan Ciidamada ammaanka, iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha”. Ayuu yiri Larry Kiyeng.
Ciidamada ammaanka dalka Kenya oo kordhiyay howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo ayaa jidgooyo waxa ay dhigteen wadooyinka laga soo galo Mombasa, si gaadiidka ay ugu baaraan.