Taliska Ciidanka Xoogga oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Buulo-Guduud September 3, 2017

0
626

 

BUULO-GADUUD-RADIOCADAADO-FM-General Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii saakay ka dhacay degaanka Buulo-guduud ee duleedka Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay Al-shabaab in ay saaka waaberigii weerar ku soo qaadeen Xero ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbalaland oo ku taala deegaankaasi oo qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Khasaare xoogan uu gaarey Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna kaga dhinteen ilaa 20 Dagaalyahan, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Ismaaciil Saxadiir ayaa sheegay in dhankooda uu jiro khasaare aan sidaasi u badnayn, maadaama uu sheegay in Ciidamada ay ka war hayeen qorshaha Shabaab ay ku soo weerareen degaankaasi, lagana hortagay, isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Shabaab ay xeradaasi ka ka xeysteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu leeyihiin.

“Abaaro 5:10 daqiiqo ee arroornimadii ayay weerar ku soo qaadeen xeradaasi, dagaal adag ayaa meesha ka dhacay, waxay ku soo weerareen qarax, Ciidamada ayaana gaarigii qarxiyay oo fashiliyay, ma uusan gaarin meeshii ay ugu talagaleen, Khasaare ayaa jira labada dhinac, hadana deegaankaasi waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka, ilaa 20 maleeshiyo ah ayaa kaga dhintay dagaalkaasi Shabaab, firxadkoodi ayaan daba joognaa”, Ayuu yiri Taliye Saxardiid.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxaana Taliye Saxardiid uu sheegay in ay uga daba tagi doonaan meelkasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan.