Waxaa Duleedka Magaalada kismaayo tababar loogu xiray ciidamo cusub oo loo tababaray maamulka Jubbaland.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ilaalin doonaan Madaxtooyadda maamulka Jubbaland iyo sidoo kale xarumaha kale ee ay ku shaqeeyaan maamulka Jubbaland.
Ciidamadaan ayaa ah kuwo loo tababaray si khaas ah.
Mahad Xasan Cabdi oo ah taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay tababarkaasi loo soo geba gebeeyey ciidamadaasi.
“Ciidamadan tababarka loo soo xirey waxaa loogu talagalay in ay si gaar ah u ilaaliyaan madaxda iyo saraakiisha,waa ciidamo tababar qaas ah la siiyay, waxaa ay ka qeyb qaadandoonaan dagaalka lagula jirow cadowga, waxaa ay barteen tababar sareeya waxaa ay leeyihiin feejignaan dheeri ah, oo ay ku difaacayaan dalkooda”, Ayuu yiri Mahad Xasan Cabdi.