Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal Ciidamadooda iyo kuwo ka tirsan Puntland ku dhexmaray meel aan ka fogeyn Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar duqeyn ku bilaawday ku qaadeen fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin meel aan ka fogeyn Buuraha Galgala.
Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku waxyeeloobeen 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland.
Weli dhankooda kama hadlin Saraakiisha ciidamada Puntland Warka ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan in 12 ka mid ah Ciidamada Puntland ay ku waxyeeleen weerar ka dhacay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.