Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar, iyadoo lagu wado inay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.
Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa diray Ra’iisul Wasaare Kheyre, si ay fara geliyaan xiisada siyaasadeed ee ka jira Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.
Wafdigan ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Jowhar, iyagoo la kulmi doona dhinacyo kala duwan, lama oga qaabka ay ula macaamili doonaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka aheyd qorshaha xilka looga qaaday, isagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu bur burinayo Maamulka Hirshabeelle.
La soco wixii warar ee ku soo kordha.