Dhgayso:Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo Saddex Qodob ka soo saaray kulan koodii Maanta

0
678

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta shir gudoominayay shirka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo looga hadlay xiisada ka taagan Magaalada jowhar.

Inta uu kulanka socday ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada waxa ay soo bandhigeen waxqabadkooda,iyaga oo intaas kadib aqbalay xilka qaadistii Xildhibaanada Hir-Shabeelle ee Cali Cabdullaahi Coosble.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cismaan Cosoble ”Cali Wardhigley”ayaa kulanka kadib Warbahinta u akhriyay qodobadii ka soo baxay kulanka,waxana ka mid ahaa.

1:-In Goluhu ay ugu baaqayaan Xukuumada Soomaaliya in ay taageerto xilka qaadistii Madaxweyne Cosoble maadaama ay iyagu aqbalen.

2:- Goluhu waxa uu u diyaar garoobayaa doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle oo bedeli doona Cali Cabdulalahi Cosoble.

In:-In Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero weyn ay siiso Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

COD WASIIRU DOWLE Madaxtooyada  HIRSHABELE cali cisman cosob cali wardhigley