Ugu yaraan toban ruux ayaa ku geeriyooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari si xowli ah ku socda lagu jiirsiiyay dad ku sugnaa meel loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Barcelona dalka Spain.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga uu beegsaday dad dalxiisayay halka loo yaqaan Las Ramblas iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in rasaas laga maqlay gudaha magaalada Barcelona kadib markii rag hubeysan ay dad afduubteen.
Booliska iyo ciidamada gurmadka ayaa gaaray goobta ay shaqaaqadu ka dhacday iyadoo dalxiisayaasha lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan goobtaas.
Darawalkii waday gaariga dadka lagu jiirsiiyay ayaa baxsaday waxaana la sheegay inay ciidamadu raadinayaan.
Booliska ayaa la sheegay inay wadahadalo kula jiraan labo ruux oo dad ku qafaalatay baar ay lahaayeen dadka soo jeeda wadanka Turkiga.
Dowladda ayaa durbadiiba xirtey qadka tareenka iyo meesha basaska laga raaco, iyada oo ciidamo badan lagu daadiyey waddooyinka si ay oga hortagaan qasaaro badan oo dhasha.
Hore ayaa baabuur dad lugeynaya lagu weeraray magaalooyin ku yaal wadamada qaarada Yurub iyadoo falalkaasina ay sheegteen inay ka dambeeyaan ururka IS.