C/wali Gaas oo ka hadlay mowqifka Puntland iyo Xiisada Khaliijka

0
792

August 17 Radiocadaado.como)— Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada khaliijka iyo go’aankii ay ka qaateen ee maamulkiisa ku taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

C/wali Gaas oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in danaha Istiraatiijiyadeed ee Puntland kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ku qasbay inay la saftaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay talo ahaan ugu soo jeediyeen inay dib u eegto go’aanka dhex dhexaadnimada

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horay uga codsadeen inay ka noqoto dhex dhexaadnimada ay ka qaadatay xiisada khaliijka, balse ay ka yeeli weyday.

Mr Gaas ayaa sheegay in dowladda Qatar aanay waxba kala dhaxeyn Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed dano kala duwan.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay dowladda dhexe uga danbeyso go’aamada arrimaha dibedda ee ay xaq u leedahay, balse wuxuu sheegay in dastuurku uu dhigayo in arrimaha qaarkood laga wada tashado.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqifka dhex dhexaadnimo ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyadoo ku baaqday in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka.