Madaxweyne M/Goboleed oo kalsoonida lagala noqday August 14, 2017

0
622

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala laabtay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa shir guddoomineysay kulankan ka dhacay magaalada Jowhar.

Kulanka waxaa soo xaadiray 76 xildhibaan, 68 Mudane ayaa ogolaatay in kalsoonida lagala noqdo Cosoble, 6 xildhibaan way diideen, halka labana ay ka aamuseen.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa noqonaya sii haya xilka Madaxweynaha Hirshabeelle, maadaama Cosoble xilka laga xayuubiyay.

Wariyaha warbaahinta radio cadaado ee magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in arrintan ay aad u hadal hayaan shacabka reer Hirshabeelle gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Jowhar.

In ka badan 10 Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Hirshabeelle ayaa shalay is casilay, kuwaasi oo sheegay in Cosoble uu mugdi geliyay Hirshabeelle, sidoo kalena aysan shaqo ka socon degaanada maamulkaasi.