Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, ayaa lagu soo waramayaa inay iska casileen xilkii ay ka hayeen Maamulka Hirshabeelle, kadib markii ay sheegeen in Madaxweyne Cosoble uu ku fashilmay u shaqeynta Maamulka Hirshabeelle.
Wasiirada iscasilay, ayaa sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle inuu ku fashilmay hoggaaminta Maamulkaasi sidaasi awgeedna ay go’aansadeen inay iska casilaan xilalkii ay hayeen.
Wasiirada xilalkan iska casilay, ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiiro, Wasiiro Ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Jowhar.
Wasiirkii Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta Hirshabeelle, Wasiir ku xigeenkii Haweenka, Wasiirkii Ku xigeenkii Bii’ada Hirshabeelle iyo Wasiiro kale ayaa la xaqiijiyay inay iscasileen.
Arintaan ayaa timid, iyadoo Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble, ay jiraan Mooshin culus oo laga wado, taasi oo ay saxiixeen Xildhibaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle.