Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira kuwa Milatariga iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Cali Fooldheere oo ka tirsan degmada Mahaday.
Ciidamadan ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Cali Fooldheere oo hore ay ciidamadu ugaga soo baxeen bishii aynu ka soo gudubnay.
Abaanduulaha ciidamada dowlada general Cabdulahi Cali Caanood ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ay ka wadaan gobolka Sh/dhexe ayna saldhigyo ka sameysan doonaan ciidamo AMISOM iyo Soomaali isugu jira deegaanka Cali Fooldheere oo ah deegaan muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka ee Bariga gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Alshabaab oo saldhig ku lahaa deegaanka Cali Fooldheere ay isaga baxeen waxana sida ay wararku sheegayaan ay xalay qarxiyeen ceel ku yiil deegaankaas. Dadkii ku noolaa deegaanka Cali Fooldheere ayaa isaga baxay iyagoo u barakacay deegaanada ku dhow dhow.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa hore dhowr jeer ula wareegay deegaanka Cali Fooldheere balse lama oga in ay sii joogi doonaan ciidamada maanta halkaa gaaray.