Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi( Ciro) ayaa iska casilay Xilkii Gudoomiyenimo.
Saakay ayuu Warqaddiisa Iscasilaada Horgeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland, waxaana kulanka Baarlamaanka Soo xaadiray 71 Mudane.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay cod u qaadaan Iscasilaada Ciro, waxaana ogolaatay 71 Mudane in uu iscasilo.
Xildhibaanada ayaa hadda leh kulan ay kaga hadlayaan sii wadida Shaqadda Xildhibaanada.
C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga wadani.
C/raxmaan Ciro ayaa ah musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Wadani, waxaana uu rajo weyn ka qabaa in uu Somaliland Madaxweyne ka noqdo.
Degaanada maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa bilaha soo socda in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.