Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Kismaayo

0
652

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay qaraxii shalay galab ka dhacay maqaayad dadka ay ku shaahaan oo ku taalla xaruntii hore ee caymiska Magaalada Kismaayo, haddana ah xarunta Baarlamanka Jubbaland.

Qaraxa oo Saraakiisha ciidamada Jubbaland ay ku sheegeen inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo la soo dhigay maqaayadda dhinaceeda, ayaa waxaa ku dhintay dhawr qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 20 ruux.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxaasi, ayaa sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa aysan kala soocin shacab iyo xubnaha u shaqeeya Dowladda.

“argagixisadu ma kala jecla shacabka iyo dadka Dowlada u shaqeeya waxa la inaga doonayaa waa in aan u midowno sidii aan isaga qaban lahayn kuwa maalin walba shacabkeena dilaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa faray laamaha ammaanka Maamulkaasi inay baaraan sidii ay wax u dhaceen jawaab cadna ay ka keenaan.