Madaweynaha maamulka glmudug axmed ducaale geele xaaf ayaa manta furay kala fadhigii shanaad ee barlamaanka galmudug kaas oo ay kazoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada .
Gudmooyiha barlmanka cali gacal casir oo kulanka hadlay ayaa sheegay in sharci badan horyaalan barlamanka isla markana barlamanku sharciyadaas ka doodi doonan.
Madaxweyne xaaf ayaa furay kala fadhiga manta ayaa sheegay in xilibaanada looga baahanyahay in ay soo xaroodan waxaa uuna intaasi raaciyay in galmudug ay wax badan u qabsoomeen oo dhawaan la furi doono dekada hobyo jid laami ahna la saari doono.
Dhankale madaxweynaha ayaa manta ka qayb galay munaasibad oo dhigay ciidamada booliska galmudug kuwaas oo si toos ah ugu biirayay ciidamada booliska qaran
Ciidamada manta qaybta ka noqday ciidanka booliska somaliya ayaa tiro nahaan gaarayay 535 askari.
Taliyaha dugsiga babarada dalmudug cabdikiriin macalin kheyre ayaa ka warbixiyay shaqada ciidamada .
Madaxweynaha galmudug oo la hadlayay ciidanka booliska ayaa sheegay in ay usoo heleen kaarkii ay uga mid noqon lahaayeen ciidanka booliska ee dowlada federalka ah waxaa uuna ciidamada u balan qaaday in la siin doono wax walba oo ay xaquuq u leeyihiin.