Kenya oo Al-shabab ku eedeysay afduubka Baabuurta ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee

0
757

Dowladda Kenya ayaa Xarakada Al-shabaab ku eedeysay in ay afduubteen Gawaarida ololaha doorashada Xisbiga talada haya ee Jubilee ee Mandheera.

Taliyaha Booliska Koofurta Mandheera Charles Chacha,ayaa sheegay in Gawaaridii ololaha doorashada Xibsiga Madaxweyne Kenyatta ee taageerayaasha waday lagu afduubtay degaanka Falama ee duleedka Mandheera.

Waxaa uu sheegay in Wadihii mid ka mid ah Gawaaridaas iyo qof la socday sidoo kale la la’yahay oo ay afduubteen Al-shabaab.

Charles Chacha,waxaa uu intaas ku daray in Hay’adaha amaanka ay hadda ku howllanyihiin soo furashada Dadka iyo Gaariga lagu qafaashay  duleedka Mandheera Shalay gelinkii dambe.

Ciidamada amniga Kenya ayuu sheegay in la geeyay degaankaas oo uu hadda socdo howlgal lagu soo furanayo dadka labada qof ah iyo gaariga ay horay u qafaasheen.

Waxaa nuu intaas ku daray Taliyaha in Gaariga oo uu leeyahay guddoomiyihii hore ee degaanka uu u kireysnaa Xibsiga Jubilee islamarkaana uu taageerayaasha Cali Robo ku soo daadiyay tuulada Katulo khamiistii,soo laabashadiisiina ay jidka u geleen tiro ka mid ah Al-shabaab oo uusan caddadkooda heyn.

Waxaa uu dadka degaanka ka codsaday in ay Ciidamada amaanka ku wargeliyaan haddii ay helaan xogta Gaaariga iyo dadka lagu qafaashay,waxaana uu intaas ku daray in Booliska ay ku jiraan feejignaan dheeraad ah.