Qaban qaabada gogol lagu heshiisiinayo beelo dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo ay ku qul qulayaan magaalada odayaal, nabadoono, culumaa’udiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha la heshiisiinayo.
Gogoshan lagu heshiisiinayo beelaha ayaa lagu wadaa in maalinta berri ay ka furanto magaalada Jowhar, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka.
Maamulka Hirshabeelle ayaa Guddi u saaray diyaar garowga gogosha iyo soo dhoweynta waxgaradka, nabadoonada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaalada u imaanaya gogosha nabadeed.
Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo dhigay gogoshan ayaa ugu baaqay waxgaradka, nabadoonada iyo odayaasha labada dhinac inay u istaagaan sidii loo gaari lahaa heshiis dhab ah, laguna joojinayo dhiigga dadka walaalaha ah ee daadanaya.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii dagaalo u dhaxeeyay markii dagaal u dhaxeeya labo beelood uu ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxaana dagaalkan ay salka ku hayeen xiisado iyo aanooyin horay ugu dhaxeeyay beelaha.