Shaqaale ka mid ahaa kuwa Dekadda Berbera oo u dhintay Kunteenar ku dul dhacay

0
627

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah Shaqaalaha Muruq maalka ee Dekadda Berbera ayaa ku dhintay kaddib markii uu xalay ku dul dhacay Kunteenar uu Badeeco ka dejinayay.

Markab ka mid ah kuwa ku xiran Dekadda ayey shaqaale ka mid ah Dekadda ka dejinayeen Badeeco uu waday waxaana kaddib soo go’ay mid ka mid ah Kunteennaradii ay dejinayeen taas oo sababtay in uu qof ka mid ah shaqaalaha ku dul dhacay oo uu halkaas ku dhintay.

Xuquuqda Shaqaalaha ku waxyeellooba Dekadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa aka taagnaa muran u dhaxeeyay Maamulka Sharikadda Dpworld ee Dekadda Maamulkeeda la wareegtay iyo Ururka Shaqaalaha muruqmaalka Dekadda Berbera.

Kulan ay Shaqaalaha,Mas’uuuliyiinta Sharikadda DPWorld iyo ams’uuliyiinta Somaliland ku yeesheen Berbera aya ala isku afgartay in khasaaraha ka dhasha howsha dekadda ee nafeed ay dowladda qaadato.

Arrintan waxaa ay dhalatay kaddib markii 6 Qof oo ku dhaawacmay Dekadda gudaheeda ay waayeen xuquuqdii daweynta,waxaana ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin taas oo sababtay in 48 saacadood ay hakad ku jirto shaqada Dekadda Berbera.