Hezbollah oo ku dhawaaqday in ay dishay 46 dagaalame

0
642

Xoogaga dhaqdhaqaaqa Hezbollah Lubnaan ayay u suurtagashay in ay dib u hantaan gacan ku haynta laba aag oo istiraatiiji ah  dhulka sare ee Arsal ee xadka Syria, islamarkaana ay dilaan  daraasiin ka mid ah  xubno takfiirka  ah ka hawlgala xadka Suuriya.

Xafiiska warbaahinta ee taliyaha Hezbollah ayaa dhawaaqay in ay dib u qabsadeen degaanada muhiimka ah Wadi al-Owaini iyo Shubat al-Qala’a.

Waxa kale oo ay sheegeen in  ay dileen 46 xubnood oo ka tirsan kooxda Jabhat Fateh al-Sham takfiirka argagixisada ah oo hore loogu yaqaanay al-Nusra Front, waxaa lagu dilay buuraleyda Arsal.

Dagaalyahanada xisbullah, oo ay taageerayaan ciidanka Lubnaan iyo Suuriya, ayaa bilaabay howlgal lagu Dagaalamaayo argagixisada ku sugan soohdinta Lubnaan iyo Suuriya  Jimcihii.