Xaalad Caafimaad darro oo lasoo deristay dadka kunool deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud

0
943

BAXDO(Radio Cadaado):- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxda ee Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramaya iney halkaa ka taagan tahay xaalad nolol xumo iyo caafimaad darro haysata dadka shacabka ah ee kunool deegaankaasi.

Xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah ayaa ka taagan deegaanka Baxdo oo aan lahayn Xarumo Caafimaad isla markaane aysan joogin Hay’addo dadka shacabka ah ka caawiya dhanka adeegyada Caafimaadka.

Xuseen Maxamed Siciid oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay iney halkaa ka jirto xanuuno iyo nafaqo darro lasoo deristay bulshada kunool deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud,wuxuuna tilmaamay ineysan jirin wax Gargaar caafimaad oo la gaarsiiyey dadkaasi dhibaataysan.

Wuxuuna ka codsaday Maamulka Galmudug,Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka iney gurmad deg deg ah la gaaraan dadkaasi tabaalaysan,Xaalado adag oo ka dhashay Abaartii ku dhufatay Soomaaliya ayaa ka jirta deegaano badan oo katirsan Gobolada dalka Soomaaliya.