Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay burbur xoog leh oo ka jira wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

0
865

MUQDISHO(Radio Cadaado) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay dadku ku qabaan adeegsiga Wadada Laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato xoog leh ku qabaan adeegsiga Wadada Laamiga ah ee Xiriirisa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Degmada Jowhar,Wadadan oo aan helin wax dayactir ah 25kii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka muuqda burbur fara badan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa xusay iney saacado badan ku qaadanayso qofka Muqdisho ka taga ee kusii jeeda Jowhar,wuxuuna ugu baaqay Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha iney u istaagaan sidii dib u dhis iyo dayactir loogu samayn lahaa wadadaasi.

Wuxuuna sidoo kale ka codsaday dadka Shacabka ah iney u midoobaan isla markaane ku taageeraan Maamulka Hirshabeelle dhismaha wadadaasi,Inta badan wadooyinka dalka ayaa waxaa lasoo gudboonaaday burbur xoog leh maadaama aysan mudo dheer helin wax dayactir ah.