Madaxweynaha Puntland oo furay kalfadhigii 39aad ee Baarlamaanka Puntland

0
862

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kalfadhigii 39aad ee Baarlamaanka maamulkiisa, isagoo xariga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay xaruntii golaha wakiilada Puntland ee magaalada Garowe, kaasoo lagu sameeyay dib u dayactir qaab casri ah loo dhisay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay muddo hiigsaneysay in la sameeyo nidaamka xisbiyada siyaasada, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dadka reer Puntland ay u istaagaan nidaamka xisbiyada badan, si looga gudbo qaabka qabiilka.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo nidaamka Federaalka.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay la dagaalameyso kooxo argagixiso, isla markaana ay aar-gudan doonto, waxaa uu xusay in dhowaan laga sifeyn doono meelaha Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka inay taaba geliyaan nidaam federaal oo dhab ah, lagana fogaado caqliyada dowlad dhexe oo xoog badan, taasoo uu xusay inay aheyd tii ay ku bur burtay dowladdii hore.