Maxkamadda sare ee dalka oo amartay in dib loogu laabto doorashada 8-dii kursi ee lagu muransanaa

0
1027

Maxkmadda sare ee dalka ayaa maanta soo saartay, xukun ay ku laashay doorashada 8 ka mid ah 11kii kursi ee ay horay u laaleen Guddigii xalint khilaafaadka ee doorashooyink dadban ee heer federaal.

Dacwad soo socotay in ka badan 5 bilood ayay Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxay 16-kii bishii May oo ah 10-maalmood ka hor ay baabi’isay go’aankii Madasha wada-rasiga qaranka iyo guddiga doorashada dadban ee heer federaal ku fasaxeen 8 kursi.

Maxkamadda ayaa waxay taageertay go’aanka Guddiga xalinta khilaafaadka ee ahaa in kuraastaas la laalo, isla makaana doorasho xalaal ah lagu celiyo.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa amartay in kuraastaas dib loogu tartamo, maadaama doorashadoodii hore ay khilaafsaneyd nidaamka doorashooyinka dalka.

Lama oga sida uu xukunkan u dhaqan geli doono, maadaama 8-da kursi ee la amray in doorashadooda dib loogu celiyo ay ku fadhiyaan xildhibaano ka qeyb galay doorashadii Madaxweynaha iyo tii Guddoonka Baarlamaanka ee dalka ka dhacday

8-da kursi ee la laalay ayaa waxaa hada ku fadhiyay xubnaha kala ah

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

Dhibanayaasha dacwada loo xugmay waxay kala yihiin:

1. Muumino Sheekh Cumar

2. Aadan Maxamed Cali

3. Khaalid Cumar Cali

4. Maxamed Mukhtar Ibrahim

5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali

6. Malaaq Sidow Maadow

7. Ibrahim Saalax Dayfullah

8. Caasho Xaaji Cilmi

 

Halkan hoose ka akhriso xukunka Maxkamadda sare