Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Labo ruux ay ku geeriyootay siddeed kalana ay ku dhaawacmeen qarax uu ka dhacay bartamaha magaalada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.
Qaraxan oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa ku qarxay goob ganacsi oo dad badan ay ku sugnaayeen.Dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah iyadoo ay ka mid ahaayeen haween iyo carruur.
Ma jirto cid sheegatay qaraxan hase yeeshee qaraxan ayaa lagu soo beegay maalin Jimce ah oo dadka miyiga ku nool ay u soo ganacsi tagaan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.
Qaraxyada dhulka la geliyo ayaa waxaa ay ka dhaceen bilihii la soo dhaafay degmada Mahaday oo ka mid ah degmooyinka ay maamulaan dowlada Soomaaliya waxaana saldhigyo ciidan ku leh ciidamada nabad ilaalinta AMISOM