Dowladda Federaalka oo soo saartay waqtiga shaqada Shaqaalaha dowladda ee Bisha Ramadaan

0
939

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay waqtiga shaqada shaqaalaha dowladda ee bisha Ramadaan, iyadoo is bedel lagu sameeyay saacadihii ay shaqeyn jireen shaqaalaha dowladda.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu sheegay in bisha barakeysan ee Ramadaanka ay shaqaalahadowladda waqtigooda shaqo loo bedelay 9-da subaxnimo illaa 3-da galabnimo.

Shaqaalaha dowladda ayaa horay shaqada geli jiray 8-da subaxnimo, kana soo baxayeen 4-30 daqiiqo, taasoo aheyd amar horay Ra’iisul Wasaaraha uga soo baxay bishii April ee sanadkan, oo ku saabsanaa waqtiga shaqo galka shaqaalaha dowladda.

“Dowlada Federaalka iyadoo tixgelineysa muhiimada bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ah bil cibaado isla markaana ahmiyad gaar ah la siinayo wadajirka qoyska ee xilliga afurka iyo suxuurta ayey Dowladdu u garatay in waqtiga shaqo wax laga bedelo mudada bisha Ramadaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.