Ra’iisul Wasaaraha dowladda Ingariiska ayaa ku dhawaaqday in ilaha sirdoonka dowladda UK ay soo gudbiyeen xoggo muujinaaya Weerar la mid ah Midkii ka dhacay Magaalada Manchester in uu ka dhaco Magaalooyinka kale ee dalka Ingariiska.
Ra’iisul wasaaraha dalka ingiriiska Theresa May ayaa Amar ku bixisay in baaritaano deg deg ah laga sameeyo guud ahaan dalka oo dhan.
Kooxda Daacish ayaa ku hanjabtay in ay kordhin doonto Weerarada ay ku qaadayso dowladda UK.
Waxaana ay sheegtay Daacish in ciidamo ka tirsan Sirdoonkooda ay ku sugan yihiin Magaalooyin ka mid ah dalka Ingariiska.
Theresa May Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha ee Magaalada London.
Weerarkii ka dhacay magaalada Manchester ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 22 qof, waxaana sidookale ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof.
Sida ay sheegeen booliska, weerarkaasi ayaa waxaa geystay Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa.