Madax ka tirsan Xisbiga Waddani ee Somaliland oo xukun lagu riday

0
817

Xoghayihii waaxda dhallinyarada iyo Sportiga ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maanta maxkada gobolka ee Hargeysa ku xukuntay hal sano oo xadhig ah.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa, Mawliid Cabdi, ayaa BBC-da u sheegay in Yoonis lagu helay denbi uu ku tilmaamay -khalkhal gelin nabadgelyada iyo faafin warar been abuur ah.

Maxkamaddu waxay amartay in xabsiga laga sii daayo, Maxamed Sidiiq Cabdillaahi, oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ee Waddani oo mar lala xidhay Yoonis Axmed Yoonis laba bilood ka hor.

Hase-yeeshee xeer ilaanta ayaa rafcaan ka qaadatay sii daynta Maxamed Sidiiq, oo xabsigii ayaa lagu celiyay.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaridka ee Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa ku tilmaamay xadhiga madaxdaasi mid sharci-darro ah oo cadaaladda ka fog oo siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in iyagoo gudanayay shaqadoodii mucaardnimo oo dhaliilo jeedinayay la xidhay labadan sarkaal.