Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Riyaad May 21, 2017

0
659

radiocadaado:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Riyaad ee Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Riyaad ku soo dhaweeyay Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan iyo xubno kale.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaanndhiga, Wasiirka Qorsheynta iyo Taliyaha Nabad Sugidda.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doona Shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka u furmaya gelinka dambe ee manta.

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa tagay shalay Magaalada Riyadh, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana illaa xalay uu kulamo kala duwan la qaadanaayay Madaxda dalka Sacuudiga.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi ayaa la xaqiijiyay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha dalka Mareykanka ee hadda ku sugan Sacuudiga.