Real Madrid ayaa ku guulaysatay koobka La Ligaha kadib markii ay guul raaxo leh ka soo gaadhay kooxda Malaga waxaana guushan Los Blancos ka caawiyay Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema oo min hal gool dhaliyay. Zinedine Zidane ayaa koobkiisii ugu horeeyay ee La Ligaha la qaaday Los Merengues isaga oo macalinka Madrid ah.
Real Madrid ayaa koobkan ku guulaystay tan iyo xili ciyaareedkii 2011/2012 markaas oo uu Mourinho koobka La Ligaha ka soo dejiyay Santiago Bernabeu. Real Madrid ayaa bilawday in ay u dabaal degto koobkeedii 33 aad ee La Ligaha.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
MALAGA (4-2-3-1): Kameni; Torres, Villanueva, Hernandez, Ricca; Camacho, Recio; Keko, Jony, Fornals; Ramirez.
KAYDKA: Boyko, Demichelis, Carlos, Castro, Duda, Santos, Charles.
REAL MADRID (4-3-3): Navas; Danilo, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric; Isco, Ronaldo, Benzema.
KAYDKA: Casilla, Nacho, Rodriguez, Kovacic, Vazquez, Asensio, Morata.
Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysya in kaliya guuldaro ka soo gaadha Malaga ay ka hor joogsan kartay koobka La Ligaha wuxuuna Zidane kooxdiisa dardaaran ku soo siiyay in ayna talaabada ugu danbaysa xili ciyaareedka iskaga lumin koobka ay dagaalka adag u soo galeen tan iyo maalintii ugu horaysay.
DAQIIQADII 2 AAD Real Madrid ayaa markiiba heshay goolkeeda furitaanka ee ay iskaga dajisay cadaadiskii soo saarnaa todobaadkii ugu danbeeyay waxaana goolka furitaanka u saxiixay Cristiano Ronaldo oo kubbad caawin ka helay xidiga wacdaraha la soo baxay ee Francisco Isco wuxuuna Ronaldo goolka dhaliyay iyada oo ayna ciyaaru socon laba daqiiqo oo buuxa waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Los Blancos ugu sii dhawaatay koobka La ligaha.
DAQIIQADII 13 AAD Ramirez ayaa helay fursad uu Malaga ugu keeni karay goolkeeda barbaraha laakiin goolhaye Navas oo qaab ciyaareed cajiib ah kulankan soo bandhigay ayaa Ramirez ka beeniyay fursada uu Madrid xaalada ugu adkayn lahaa.
Laakiin hal daqiiqo kadib markiisa Benzema ayaa isna ku dhawaaday in uu Madrid hogaanka u dheereeyo balse dhamaystirkiisa ayaan noqon mid uu gool ku helay. Ciyaarta ayaa noqotay mid adag balse ay Real Madrid ku taagan tahay wixii ay kulankan ka doonaysay.
DAQIIQADII 21 AAD Ramirez ayaa ugu danbayn u muuqday in uu gaadhay shabaqa Real Madrid laakiin ma rumaysan kartid badbaadinta layaabka leh ee uu Keylor Navas sameeyay si uu u joojiyo kubbad halka ugu saraysa goolkiisa ka sii galaysay, wuxuuna isaga oo duulaya uu kubbada ka joojiyay shabaqa kooxdiisa balse waxa uu ku sigtay in uu soo gaadho dhaawac waayihiisa ciyaareed dhibaato wayn ku noqon karayay balse daawayn kadib waxa uu awooday in uu ciyaarta sii wato.
Si kastaba ha ahaatee qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Real Madrid guusha ay u baahnayd ugu taagnayd balse warka kale ee sida wayn farxada u galinayay jamaahiirta Real Madrid ayaa ahaa in Camp Nou ay ku arkayeen iyada oo waqtigii nashada ay Eibar 1:0 hogaanka kaga haysay Barcelona, waxayna u arkeen in wax kastaaba ay u socdaan sidii ay doonayeen.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo kalsooni buuxda qabta isla markaana doonaysa in ay ciyaarta hurdada u dirto si ay u bilaabato dabaal dega koobkeeda 33 aad ee La Ligaha oo ay muddo shan sano ah sugaysay.
DAQIIQADII 55 AAD Real Madrid ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay xaalada xun ugu sii abuurtay kooxda ay martida u ahayd ee Malaga waxaana goolkan u saxiixay Karim Benzema kaas oo caawin ka helay xidiga ay isku ree France yihiin ee Raphaël Varane waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Los Blancos kula timid goolka kalsoonida.
Goolka labaad ee ay Real Madrid heshay ayaa ciyaarta hurdada u diray waxayna Malaga u muuqatay mid aan ka soo kabsan karin labada gool ee ay Madrid gosha u galisay, waxayna jamaahiirta aduunka ee Los Blancos sugayeen inta ay ciyaartu ka dhamaanayso si ay ugu dabaal degaan guusha ay xili ciyaareedka dhan soo sugayeen.
DAQIIQADII 90 AAD Malaga ayaa u muuqaday in ay ugu danbayn helayso goolkeeda furitaanka kadib markii uu Castro helau fursad cajiib ah laakiin darbadiisa ayuu Navas badbaadiyay inkasta oo ay sidoo kale birta goolka ku dhacday.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Real Madrid ku soo garaacday Malaga si ay ugu guulaysato koobka La ligaha. Zinedine Zidane ayaa xili ciyaareedkiisii labaad ee uu Real Madrid maamulayay kula guulaystay koobkiisii ugu horeeyay ee La Ligaha wuxuuna waliba fursad u haystaa in uu xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah uu Madrid kula guulaysan karo koobka Champions leaque-ga.