Haweeney muddo toban sano ku shaqeysanaysay inay tahay nin

0
1136

Haweeney u dhalatay dalka Tanzania ayaa muddo toban sano waxa ay u bareertay in ay ka shaqeysato godadka laga qodo dheemanta iyadoo la aaminsanaa inay tahay nin.

Pili Hussein waxa ay ka dhalatay qoys xoolo dhaqato ah waxayna walaalo ahaayeen 37 carruur ah, balse waxaa necebeysatay nolosha qoyskeeda.

Pili aabaheed ayaa ula dhaqmi jirey sida wiilashiisa oo kale waxana uu siiyay xoolo gaar ah oo ay dhaqato,markii ay guursatay ayaa noloshii baadiyaha ay aad u karaahsatay waxayna taasi dhalisay in markii ay 31 sano jir ahayd ay ka soo baxsato deegaankii ay ku barbaartay.

Hase yeeshee gabadhaan ayaa raadisay shaqo waxayna ka heshay magaalo yar oo la yiraahdo Mererani kuna taal gunta hoose ee buurta ugu dheer Afrika ee Kiliminjaro, halkaa oo ah meel gaar u ah in laga qodo dhagxaan qaali ah oo dheemanta ay ka mid tahay.

“Weligey iskuul ma dhigan, mana jirin waxbadan oo aan sameyn karo oo aan ka ahayn inaan xoogeyga ku shaqeeyo.”ayay tiri Pili.

Balse gabadhan ayaa sameysay qorshe ay ku labisatay dharka ragga si ay uga mid noqoto shaqaalaha ka shaqeeya godadka laga qodo dheemanta.

Nasiib wanaag. iyadoo aan loo ogoleyn haweenka inay godadka hoose galaan ayay fursad u heshay in ay ka mid noqoto shaqaalaha godadka iyadoo loo maleeyay inay tahay nin maadaama ay u labisatay sida ragga.

Waxay bedeshay magaceeda iyadoo la baxday magaca ah Uncle Hussein waxayna ka mid noqotay shaqaalaha ugu howsha wanaagsan leh, iyadoo geli jirtey godadka kuwooda dhaadheer oo gaaraya illaa lix boqol oo Mitir.

Mudadii ay shaqeynaysay oo ku dhoweyd toban sano ayaan cidna tuhun ka gelin haweeneydan inaysan ahayn nin oo ay been sheegayso.

Nasiib wanaag,markii ay hal sano shaqeyneysay waxa ay heshay dhagxaan qaali ah kuwaasoo u suurtogeliyay inay guryo cusub ugu dhisto qoyskii ay ka soo carartay waxayna samaysatay shaqaale ka caawiya  howlaheeda raadinta macdanta qaaliga ah.

Balse nasiib darro howshii ay waday sanadahaas waxaa soo afjaray,markii mid ka mid ah shaqaalaha haweenka ah ay sheegtay in  fal kufsi ah lagula kacay.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo ay ku jirto Pili oo loo maleynayo inay tahay rag ayaa xabsiga la dhigay.

Waxaana dhacday in nin lagu tuhmayay inuu kufsiga ka dambeeyay uu ku tilmaamo Uncle Hussein in ay ka dambeysay falka kufsiga ah.

Pili ayaa weysay si kale oo ay ku beeneyso in aysan ku lug lahayn falka kufsiga ah waxayna go’aansatay inay banaanka soo dhigto sir muddo toban sano u qarsanayd.

Waxay ka codsatay ciidamadii Booliska inay u keenaan haweeney baaritaan ku sameyso si ay u cadeyso inaysan ku lug lahayn falkan,baaritaan kadibna waxaa lagu ogaaday inay tahay haween sidaasna saldhiga loogaga sii daayay Pili.

Shaqaalihii la shaqeynayay Pili ayaa rumeysan waayay in ay ahayd ruux dumar ah,balse waxaa ay aqbaleen markii  la guursaday.

Ninkii guursaday ayaa waxaa ay ku qaadatay muddo shan sano ah in uu ku dhiirado inuu guursado waxana jirtey cabsi uu ka qabay Pili.

Haweeneydan Pili ayaa lacag badan ka samaysay shaqadii ay haysay iyadoo is qarinaysay muddo toban sano ah. Pili waxaa ay haatan leedahay shirkad ay ka shaqeeyaan 70 ruux kuwaasoo godadka ka baara dhagxaan qiime leh. Hase yeeshee shaqaalaheeda waxaa ku jira saddex haween oo kaliya kuwaasoo cuntada u kariya shaqaalaha.

Dhibaatada aqoon la’aanta ay leedahay awgeed ayaa Pili waxa ay dhaqaalihii ay ka heshay qodista macdanta waxbarasho ku geysay illaa soddon ka mid ah qoyskii weynaa ee aabaheed iyadoo maskaxda ku haysa in aqoon la’aantu ay tahay iftiin la’aan.

Xigasho: Bbc

Waxaa tarjumay Hiraabe Jimcaale