Guddoomiye Taabid “Ma aqbaleyno in guri dad leeyahay xoog lagu heysto”

0
674

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa aanay ogolaan doonin in xilligan xoog lagu heysto guryo dad leeyahay.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay oo shalay ka dhacday Muqdisho ayuu sheegay in maamulkiisa uu aas aas u noqon doono Cadaaladda.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka sheego anaga ka maamul ahana waxaa naga go’an arrimaha guryaha in alle idinkiisa inaan ka daba tano oo aan magacaawno aan sheegno qof guri islaameed degan ama qof guri ku heysto, maanta fursad ayaa heysataa, intaad sii heysan laheyd”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in aan qofka loogu eegi doonin, hadii mas’uul yahay iyo waliba hadii uusan aheyn cid kasta oo guri heysato laga wareejin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in amniga ay aas aas u tahay inay timaad cadaalad, waxaana uu xusay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo sidii cadaalada loo xoojin lahaa.

Munaasabadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd tii ugu ballaarneyd ee lagu soo dhoweeyo Guddoomiye Taabid oo bishii hore xilka loo magacaabay.