Diyaaradaha dagaalka Shiinaha oo carqaladeyay diyaarad uu Mareykanka lahaa

0
687

Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa carqaladeyn ku sameeyay diyaarad uu Mareykanka leeyahay oo howl gal ka waday hawada caalamiga ee ka koreysa Badda bariga Shiinaha.

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in carqaladeyn ay xirfad darro ka muuqato ay diyaaradaha dagaalka Shiinaha u geysteen diyaarad nooceedu yahay WS-135 oo ku guda jirtay howl gal ay ku uruurineysay macluumaad ku saabsan wasakhda hawada.

Diyaaradaha dagaalka Shiinaha laga leeyahay ayaa nooceedu ahaa Su-30 aayna 45 mitir u soo jirsatay diyaarada Mareykanka.

Lori Hodge oo ah afhayeen u hadlay ciidammada cirka Mareykanka ayaa sheegay in arrintan kala hadleen Shiinaha iyaga oo u sii mariyay habab munaasab ah oo ka mid yihiin kuwo dublamaasiyadeed iyo kuwo milatari.

Shakiga Shiinaha ee ku aadan dhaqdhaqaaqyada uu Maraykanku ka wado biyaha caalamiga ah ee macdantu ka buuxdo ayaa horseeday dareen soo kala dhexgalay labada dal.