Wasiirka Maaliyadda Soomaaliland Samsam Cabdi Aadan oo digniin culus u dirtay Ganacsatada

0
774

HARGEYSA( RADIO CADAADO)Wasiirka Maaliyadda Soomaaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa digniin adag u dirtay Ganacsatada Soomaaliland,Wasiirka ayaa sheegtay ineysan Xukuumadda Soomaaliland aqbali doonin in Shacabka lagu qaaliyeeyo qiimaha Raashinka xilli lagu jiro waqti adag.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in Ganacsatada looga baahan yahay iney u tudhaan dadka Shacabka ah waxayna shaaca ka qaaday in tallaabo adag laga qaadi doonin hadii aysan Ganacsatadu joojin sare u kaca ku yimid Maciishada kala gadisan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xustay in hadii ay Ganacsatadu ka waantoobi waayaan dhibaataynta Shacabka iney iyagu soo dajin doonaan Raashin isla markaane aysan wax faaiido ah saaran doonin si dadka dhibaatadu uga yaraato.

Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa cabasho ay qabaan dadka Shacabka ah kadib markii uu sare u kacay qiimaha Raashinka isla markaane uu hoos u dhacay qiimaha  Sarifka Doolarka taasoo dhibaatooyin badan ku keentay dadka Shacabka ah.