Madaxweynaha Uganda oo sheegay in ciidamo dheeraad u soo dirayo Soomaaliya

0
696

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ciidamo u soo dirayo Soomaaliya, si loo kordhiyo Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in ujeedka yahay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay qaateen go’aan ah in dowladda Uganda kordhiso Ciidamada

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan wajaheyso xaalad adag oo dhanka ammaanka ah, sidaas darteedna ay doonayaan in ciidamada ka shaqeeyaan gobolada dalka

“Waxaan doonaynaa inaan taageerno dawlada Soomaaliya oo aan ku taageerno sugida amniga sidaa darteed waxaan go’aansanay inaa kordhino ciidamada Soomaaliya jooga ee Uganda ka socda si ay dawlada ula shaqeeyaan”ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

Shirkii London ka dhacay todobaadkii hore ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah kordhinta ciidamada AMISOM oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ka jooga Soomaaliya ee ka tirsan howl galka AMISOM, waana dalkii u horeeyay ee Soomaaliya ciidan u soo dira muddo haatan laga joogo 10-sano.