Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in illaa 10 oday dhaqameed ay ciidamada dowladda ku xireen degmadaas.
Odayaashan ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen xaflad caleema saar ah ah oo ka dhacay deegaanka Buurweyn.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Faarax Aadan ayaa sheegay in odayaashan lagu haayo xabsiga, isla markaana arrintooda lagu jiro.
“Odayaashan waxay ka qeyb galeen Xaflad caleema saar ah oo Al-Shabaab qabteen, oday dhaqameed lagu caleema saarayay Buurweyn ayay ka qeyb galeen”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay idaacadaha Muqdisho.
Inta badan deegaanada Al-Shabaab maamulaan ayaa waxaa lagu qabtay xafladaha caleema saarka oday dhaqameedyada beelaha la dhacsan fikirka Al-Shabaab.