Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Al-shabaab oo dilay Gudoomiyihii deegaanka Cumar Jilicow oo ka tirsan Mandheera iyo Saraakiil Kenyan ah oo ay qafaasheen

0
658
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

MANDHEERA( RADIO CADAADO)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cumar Jilicow oo ka tirsan Degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Cumar Jilicow ayaa waxa ay ku dileen Gudoomiyihii deegaankaasi,waxayna ku qafaasheen  2 Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Boolsika dalka Kenya,Kooxda weerarka qaaday ayaa beegsatay Guriga Gudoomiyaha deegaankaasi oo goobta ku geeriyooday.

Askari ka mid ah Booliska Kenya oo xiliga weerarku dhacayey ku sugnaa deegaanka Cumar Jilicow ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation ee dalkaasi Kenya in Al-shabaab ay weerarka ku bilaabeen Guriga Gudoomiyaha deegaankaas iyaga oo intaa kadib beegsaday Saldhiga Booliska.

Askarigan ayaa intaa ku daray inuu iskaga cararay goobta,wuxuuna xaqiijiyey in Al-shabaab ay nolosha ku qafaasheen 2 Sarkaal oo Kenyan ah,Ciidamo gurmad ah oo ka socda dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka Cumar Jilicow oo 16-KM u jira Magaalada Mandheera waxayna halkaa ka wadaan baaritaano.

Al-shabaabkii weerarku ku qaaday deegaanka Cumar Jilicow ayaa lasoo aaday Askarta Kenyanka ah ee ay soo afduubteen dhanka Soomaaliya.