Al-Shabaab oo weeraray deegaan hoos taga magaalada Mandhera

0
757

Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaan lagu magacaabo Cumar Jilicow.

Deegaankan oo hoos taga Mandhera ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig boolis.

Wararka ayaa sheegaya in lagu dilay saddex qof, halka labo askari boolis la la’yahay, kuwaasoo loo maleynayo in Al-Shabaab qafaalatay, lana aaday dhanka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Kenya ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, ayna haatan baadigoob ugu jiraan askartii la qafaashay.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa la sheegay in weeraro ka dhacayeen deegaano hoos taga Mandhera.