Maareeye kuxigeenka Dekeda Muqdisho oo loo magacaabay Maxamed Axmed Diiriye

0
1030

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maareeye kuxigeenka koowaad ee Dekeda Muqdisho.

Warar la helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in Maxamed Axmed Diiriye loo magacaabay xilka Maareeye kuxigeenka Dekeda Muqdisho.

Wiilka uu dhalay Nabadoon Axmed Diiriye ayaa lagu bedelay wiil uu dhalay Xildhibaan Cagaweyne oo xilka Maareeye kuxigeenka loo magacaabay xilligii Ololaha doorashada socday.

Dekeda Muqdisho ayaa bil ka hor waxaa loo magacaabay Maareeye cusub oo lagu magacaabo Axmed Washington, waxaana lagu bedelay Maareeyihii hore C/llaahi Cali Nuur oo muddo afar sano xilka hayay.

Xil magacaabida iyo xil qaadista ayaa halkeeda ka sii socota, waxaana Maamulka Madaxweyne Farmaajo u muuqdaa mid ka taqalusaya dhamaan xubnihii xilalka hayay ee ka haray dowladdii hore ee Xasan Sheekh.