Gaadiidka AMISOM oo laga mamnuucay Wadada Maka Al-Mukarama

0
780

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in Gaadiidka kala duwan ee AMISOM ay isticmaalaan Wadada Maka Al-Mukarama.

Wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha ayaa lagu caddeeyay in wixii ka bilowda 8-da bisha May oo ku beegneyd shalay aanay Gaadiidka AMISOM isticmaali karin inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka illaa Isgoyska Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka AMISOM laga mamnuucay isticmaalka wadada laga bilaabo saacadaha 6-da subaxnimo illaa 12-ka habeenimo.

Gaadiidka AMISOM ayaa shilal isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka geysta Waddooyinka Muqdisho, iyadoo aan inta badan lagula xisaabtamin, waxaana Guddoomiyaha oo ka jawaabayay cabashada shacabka uu qaatay go’aankan.

Taliska Qeybta Nabadgelyada Waddooyinka ayaa la faray inay hubiyaan gaadiidka AMISOM inay istcimaalaan wadadaas, maadaama shilal qatar leh ay ka geystaan marka ay marayaan wadada Maka Al-Mukarama ay tahay mid aad u saxmad badan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ah in aan gaadiidka la dhigi karin inta u dhaxeysa Isgoyska KM0 illaa Isgoyska Banaadir, waxaana gaadiidkii dhiga lagu amray in la ganaaxi doono.

Go’aanadan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee uu soo saaro Guddoomiye Taabid tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii hore.