Mareykanka oo sheegay inuu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Waqooyiga Kuuriya

0
664

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Waqooyiga Kuuriya, iyadoo uu sii xoogeysanayo xiisada labada dal u dhaxeeya.

Waqooyiga Kuuriya oo maalin ka hor u dabaal degtay sanad-guurada 105aad hoggaamiyihii aas aasay dalkaas, ayaa soo bandhigtay awoodeeda milateri, iyadoo tijaabisay gantaal, kaasoo markii dambe fashilmay.

Madaxweyne kuxigeenka Maretkanka Mike Pence oo ku sugan Koofur Kuuriya ayaa ka digay tallaabooyin miiska saaran oo dhamaan lagula tacaalayo waqooyiga Kuuriga.

Waxaa uu booqday xuduuda labada Kuuriya ay wadaagaan, halkaasoo ay joogaan Ciidamada Mareykanka.

Mr Pence ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii xeeladaha dulqaadka ay u hayeen Waqooyiga Kuuriya.

Mike Pence ayaa aabihii ka mid ahaa Ciidamada Mareykanka, xilligii dagaalka Kuuriya, waxaana uu sheegay in Mareykanka iyo Koofur Kuuriya uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Xiisada u dhaxeysa Waqooyiga Kuuriya iyo Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo hoggaamiyeyaasha labada dal ay hawada isu marayeen hadalo kulul oo dhiilo xambaarsan, Shiinaha ayaa ka digay dagaal ka dhaca Gobolka.