Inkabadan kun tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay badda Mediterranean

0
885

Maraakiib ay wataan ururo aan dowli ahayn ayaa ka soo badbaadiyay inkabadan 1,200 oo tahriibayaal ah badda Mediterranean 48kii saacadood ee la soo dhaafay sida ay sheegtay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn.

Dadkan oo ka soo raacay dooman yaryar xeebaha dalka Libya ayaa la sheegay in mid kamid ah doomankaas oo alwaax ka sameysnayd ay saarnaayeen 412 ruux hase yeeshee intii ay socotay howlgalada badbaadinta tahriibayaashan ayaa la sheegay in ay ku dhimatay haweeney ka mid ahayd dadkii tahriibayay.

Tiradan la soo badbaadiyay ayaa ka dhigeysa 22,000 oo ruux oo badankood ah Afrikaan inay gaareen xeebaha dalka Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkan halka 520 kale ay dhinteen intii ay ku sii jireen badda.

Xeer ilaaliye u dhashay dalka Talyaaniga ayaa toddobaadkii la soo dhaafay sheegay maraakiibta ay wataan hay’ada gargaarka inay carqaladaynayaan dagaalka lagula jiro dadka wax soo tahriibiya ama mukhalasiinta ayna furayaan waddo ay dad badan oo soo galooti ah ku dhiman karaan.

Dambi oogaha ugu sareeya magaalada dekeda ah ee Sicilian Carmelo Zuccaro ayaa sheegay in uu ka shakisan yahay in xiriir toos ah u uu dhexeeyo mukhalisiinta ku sugan dalka Libya iyo xubno ka mid ah dadka madaxda ka ah maraakiibta ururada aan dowliga ahayn ee dadka soo badbaadinaya.

Hase yeeshee ururada aan dowliga ahayn ayaa beeniyay in wax qaladaad ah sameynayaan ayna kaliya badbaadinayaan dadka ku dhimanaya badda Mediterranean.