Maamul goboleedka Hirshabelle oo ku eedeeyay Qaramada Midoobay wax qabad la’aan

0
870

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inaysan waxba u qaban shacabka ku nool dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Beledweyne Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan ayaa waxa ay ku eedeeyeen Qaramada Midoobay inay ka gaabisay howlihii ay ka sugayeen dowlad goboleedka Hirshabeelle isla markaana ay joojinayaan wadashaqeyntii kala dhexeysay Qaramada Midoobay.

“Deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa ka jira abaaro iyo jillaal adkaaday man jirto wax ay u qabteen Qaramada Midoobay,waana ka fiirsan doonaa wadashaqeynta aan la leenahay haddii aysan isbedel sameyn.”ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan oo ka hadlayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ka mid ah maamulada ka jira dalka ayaan ka helin wadashaqeyn buuxda qaramada midoobay inkastoo ay xafiisyo ku leedahay qaramada midoobay magaalaa Beledweyne.

Warkan ka soo yeeray mas’uuliyin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku soo beegmay xilli ay booqasho ku joogaan magaalada Beledweyne wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada magaalada Beledweyne.