Hay’ada u dooda Xuquuqda aadanaha oo ka hadashay duqeyn lagu diley qaxooti Soomaali ah

0
715

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Right Watch (HRW)  ayaa ku tilmaantay  in weerarkii ay xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ku qaaday doon dad rayid ah oo Soomaali ah saarnaayeen oo maraysay xeebta Yaman ay u badan tahay inuu dembi dagaal ahaa.

HRW ayaa xustay in goobjoogayaal ay sheegeen  in 16-kii Maarso 2017 ay diyaarad helikobtar ah duqeysay doonta halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 ruux oo ka mid ah 145 qaxooti Soomaali ah oo doonta saarnaa iyo qof rayid ah oo Yaman u dhashay.

Duqeyntan ayaa sidooale 29 qof oo kale oo ay ku jiraan 6 carruur ah ay ku dhaawacmeen, waxaana la la’ yahay 10 ruux.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa waxa ay intaa ku dartay in  dhinacyada ku lugta leh colaadda ay beeniyeen in ay mas’uul ka ahaayeen weerarkaasi, hase yeeshee  xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo keliya ayaa leh diyaarado dagaal, halka xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax aysan lahayn awooddaasi.

“Duqeynta iska cad ee ay xulafadu u geysatay doonta ay qaxootiga ka buuxeen, ayaa ah falkii ugu dambeeyay ee suuragal ah in uu yahay dembi dagaal oo ay ka fulisay Yaman inta uu socday dagaalka hadda laba sana jirsaday,” ayay tiri Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha Human rights Watch ee Bariga Dhexe. Waxa ay intaa raacisay “Taxadar la’aanta iyo tixgelin la’aanta noolasha dadka rayidka ah ayaa gaartay heer xun oo aan horay loo arag.”

Gabagabadii, Warbixinta ay Human Rights Watch ka soo saartay weerarkii lagu laayay Soomaalida qaxootiga ah iyo duqaynta xulufada Sucuudigay ee Yemen  ayay ku sheegtay  inaysan suurtagalin in ay ogaato dalka ay diyaaradiisu weerartay doonta qaxootiga.