Gadoodkii Ciidamada Milateriga oo sabab u ahaa mushaarkooda oo meel kale loo wareejiyay

0
756

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta gadood ka sameeyay caasimadda Muqdisho, iyaga oo muddo saacado kooban xanibay isku socodka waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada, sida isgoysyada KM4 iyo KM5 .

Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka soo kala baxay Taliska “Villa Beydhabo” ee u dhow KM5 iyo Xerada ciidanka ee ku dhow Warshaddii hore ee Sifeynta Batroolka ee koonfur galbeed ee Muqdisho ayaa xanibaad ku rogay socodka gaadiidka, waxa ay sidoo kale dhaq dhaqaaqa ka joojiyeen Abaanduulaha ciidanada Xoogga dalka.

Gadoodka ciidanka oo la xaliyay saacado kadib wadahadal dhexmaray iyaga iyo saraakiil sare oo ciidamada ah ayaa waxa ay cabashadooda la xiriirtay lunsi lagu sameeyay mushaaraadkooda ka maqan muddo ku dhow 14 bilood .

Ilo wareed madax banaan ayaa xaqiijinaya in saraakiisha sar sare ee ciidamada Xoogga dalka ay ku lug yeesheen musuq maasuq xaqiiqdiisii maanta ay daaha ka rogeen ciidanka gadoodka sameeyay.

Wararka ayaa sheegayaa in Saraakiisha hoggaanka sare ee Ciidamada ay ka dambeeyeen in la duudsiiyo xuquuqda ciidamadan, isla markaana mushaaraadkooda loo wareejiyay meelo kale.

Mushaaradka ciidamadan lahaayeen ayaa loo wareejiyay Puntland, iyadoo magacyadooda ay rag kale ku qaadanayeen mushaarka

Mushaarka ayaa waxaa la sheegay in Mareykanka uu bixinayay, kaasoo qeyb ka ahaa mushaaraad la siiyo Ciidamada xoogga dalka ee ku kala sugan jiidaha dagaalka iyo gobolada dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Aadan Buud ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa, qorshaha ciidamadan xaqooda lagu duudsiiyay, isla markaana si ku tala gal ah mushaarkooda ugu wareejiyay deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg isugu yeeray Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, isagoo kala hadlaya xaalada soo korortay iyo gadoodka ay sameeyeen ciidanka ee xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka

Fadeexadan cusub ee ku soo baxday Taliska Milateriga ayaa waxay soo dedejin kartaa is bedel lagu sameeyo Hoggaanka sare ee Ciidanka.