Ciidamo gadoodsan oo xirey qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

0
799

Ciidamo gadoodsan ayaa la sheegay inay xireen qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Zobbe, KM4 iyo wadooyinka ku dhow dhow.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadan ka tirsan Militariga dowladda Federalka Soomaaliya ay ka cabanayaan mushaar la’aan.

Ciidanka qaar ayaa la sheegay in ay ku sii fidayaan deegaano kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxana lagu arkay qaar ka mid ah ciidamadan  wadada Maka Al-Mukarama. Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo sagaal bilood ah oo aan aysan qaadan wax mushaar ah.

Gadoodka ciidamada ay ku kaceen ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Soomaaliya uu amray in la siiyo mushaaraadka dhammaan shaqaalaha dowlada ee bishii Janaayo.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada oo ku saabsan gadoodka ay sameeyeen ciidamadan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ciidamada ay gadood ka sameeyaan magaalada Muqdisho tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Farmaajo oo ciidamadu taageero u muujiyeen markii la doortayl.