Ciidamadii Gadoodsana ee Qabsaday Xarunta Baarlamaanka Puntland oo lagu Qanciyay in ay Dowladda la Hadlaan

0
644

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland oo maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka Puntland ee Garowe ayaa dib ugu laabtey Xerooyinkoodii kadib markii u la hadlay Islaan Ciise oo ka mid ah Isimada aadka looga xurmeeyo  Puntland.

Ciidamadan ayaa ka  cabanayay mushaar la’aan haysatay Dhamaadkii bilihii sanadkii hore ee 2016-ka iyo Daryeel la,aanta ciidamo ka tirsan oo dhawaacyo ay ka so gaaren dagaaladii  Puntland ay la gashay Al-shabaab iyo Galmudug.

Wararka HOL helayso ayaa sheegay in Ciidamadan uu watay G/sare Jimcaale oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Puntland ayna ka yimaaden Duleedka Magaalada Gaalkacyo ay isku horfadhiyeen Ciidamo ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale,Wararka ayaa intaas ku daraya Saraakiisha Hogaamisa Ciidamada Daraawiishta Puntland ay Baarlmaanka Puntland u gudbiyeen waraaqo ay ugu cabanayaan Mushaar la’aan bishii hore,taaso ay Baarlmaanku aysan waxba ka qaban sida u ino Xaqiijiyay sargaal ka mid ah kuwa Puntland.

Dhinaca kale,Xogaha aan helayno  ayaa Timaabaxaya in Shaqaalada Dowliga ah ee Puntland ka howl-gala ay iyaguna ka cabanayaan mushaar la,aan Bilihii u danbeeyay haystay,waxaana qaar ka mid ah oo aan la xiriirney no sheegen inay ku shaqeeyan Xaalad adag u baahan in dowladu garowsato.

Ugu Danbayntii,Gadoodka Ciidamadan ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku so beegmaya,iyadoo shalay Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali shire u sheegya in Puntland u baahantahay in laga Badbaadiyo Xukuumada Madaxweyne Gaas oo Xusay inay fashilantay.